Jubbaland oo bilaabaysa doorashada xubnaha Aqalka Sare

Guddiga Doorashooyinka Qaran ee heer Federaalka (FEIT) ayaa ku sugan magaaladda Kismaayo oo ay shaley gaareen, halkaasi oo la filayo inay ka billaabato doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ku matalaya Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Waxaa guddiga oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Guddiga doorashada ay u joogaan magaaladda Kismaayo inay ka gudbiyaan maamulka Jubaland Xubnaha uga qeybgalayo Aqalka Sare ee BJFS.

Guddiga ayaa la filayaa in maanta ay la kulmaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Idilnews