Shirka Qorshaha Hormarinta Puntland ee 2022/2025 oo ka furmay Garoowe (Sawirro)

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharmaake Xasan Cali ayaa saaka shir guddoomiyeey shir ay iskugu yimaadeen Agaasimayaasha guud ee 22 ka mid ah hay’adaha Dowladda. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorshaynta shirka oo looga hadlayey samaynta qorshaha jihaynta Hay’adaha Dawladda iyo dib-u-eegis ta iyo wax ka badalka qorshayaashi hore.

Dhanka kale shirka ayaa diirada lagu saarayey dardar galinta howlaha shaqo ee hay’adaha dowlada iyadoo sidoo kale wax layska waydiiyeey guulihii la gaadhay 2020-2021 iyo dajinta qorshaha cusub ee 2022-2025.