Puntland, DFS iyo Hay’adda UNEP oo ka wada-hadlay ilaalinta deegaanka (Sawirro)

Waxaa xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Puntland ka dhacay shir wada jir ah oo ay yeesheen Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada, Agaasinka arimaha Deegaanka u qaabilsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Deegaanka (UNEP) waxaana shirkaas looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa wadaa shaqaynta dhinacaya kaladuwan ee la xiriirta arimaha ilaalinta iyo daryeelida Deegaanka iyo mashaariic cusub oo deegaanka la xiriirta looga fulin lahaa Puntland.

Shirkan oo ay shirgudoominaysay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Marwo. Seynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye) waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee Deegaanka xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL iyo Wakiilka UNEP u qaabilsan Soomaaliya waxaana lagu soo bandhigay dhibaatooyinka kajira deegaanka gaar ahaana Xaalufka, Jarista Dhirta, Musiibooyinka dabiiciga ah iyo boholaha siifidiya.

Masuuliyiinta ayaa dhanka kale si wadajir ah u kormeeray xarunta dhirkobcinta ee wasaaraddu kuleedahay xarunta dhexe iyo qaarkamid ah meelaha ay kajiraan xaalufka dhirta iyo Boholaha.

Idilnews