Dekedda Garacad oo lagu bilaabay xiritaanka dheegaga Maraakiibta ku tiirsanayan (Sawirro)

Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug ayaa maraya meel gabo-gabo ah, iyadoo saaka la bilaabay xiritaanka dheegii Maraakiibtu isku tiirin lahaayeen, sidoo kale ka ilaalinaya maraakiibta waa weyn kusoo xiranaya dekedda.

Talaabadan ayaa ka dhigan in la joogo heer u dhaweynaya Dekedda in dhismaheedu dhammaad yahay, ayna tahay waxa kaliya ee la sugaa xilliga maraakiibta iyo doomaha ay ku soo xiran doonaan.