Maareeye “Ma jiro Is afgarad lagu gaaray kulankii Rooble, Cabdi Xaashi iyo Guuleed”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta kana mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee waqtigooda dhamaaday kuna matala Gobolada Waqooyi ee Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in wax natiijo ah aan lagu gaarin kulamadii Ra’iisul Wasaare Rooble, Mahdi Guuleed & Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

Wasiir hore Maareeye oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook aya ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare rooble in halkii laga rabay in uu dhexdhexaadiyo labada garab uu la yimid in uu doonayo in lagu wareejiyo talada iyo maamulka Doorashada 57 kursi oo ay leeyihiin dir Waqooyi.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiir hore Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaan u sheegayaa Salaadiinta, waxgaradka, Musharaxiinta kuraasta Dir Waqooyi, Bulshada reer Somaliland ee Soomaaliya iyo Guud ahaan Shacab Soomaaliyeed in kulamadii ay lahaayeen Gudoomiye Cabdi Xaashi, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen Mahdi guuleed ee uu sheegay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu in ay soo dhamaadeen in aan wax is-afgarasho ah lagu gaadhin.

Raiisul Wasaare Rooble halkii laga sugayey in uu isu jiidjiido oo dhexdhexaadiyo labada garab wuxuu la yimid in uu doonayo in lagu wareejiyo talada iyo maamulka Doorashada 57 kursi ee ay leeyihiin Dir Waqooyi, taasoo Gudoomiye Cabdi Xaashi u sheegay Ra’iisul Wasaaraha in aan la wareejin karin Masiir ummadeed ee looga baahan yahay RW in uu keeno xal dhexdhexaad ah oo labada dhinac ku qanci karaan.