Rooble oo dhex taagan fadeexad siyaasadeed & Hambalyo uu u diray garabka Guuleed!!

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhex taagan fadeexad siyaasadeed kaddib markii uu taageero u muujiyay doorasho garabka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ee Guddiga Doorashooyinka xubnaha Somaliland ay ku qabsadeen Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho.

Rooble ayaa u diray doorashada inay qeyb ka noqdaan 3 xubnood ee uu isagu magacaabay, kuwaas oo ku biiray xubnaha garabka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee guddiga halka dhinac qabteen, taas oo ay qaadaceen xubnaha garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Idilnews