Muxuu salka ku hayaa khilaafka soo kala dhexgalay Farmaajo iyo Rooble ?

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mohamed Hussein Roble, kaas oo salka ku haya Arrimaha Doorashooyinka.

Khilaafkan oo muddo soo jiitamayay ayaa soo shaac baxay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kaddib Labada dhinac ay isku mari waayeen qorshe uu watay Farmaajo oo ku aadan Gobalka Gedo iyo Arrimo ganacsi.

Farmaajo ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku sheegay in laga mamnuucay Hay’adaha DFS heshiisyada, Is afgaradyada iyo wada-hadalada taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo Amniga Dalka, xilliga doorashada.

Go,aanka kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay mid uu kula dagaalamayo Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kalena lagu fashilanayo safar maanta la filayo inay Muqdisho kusoo gaarto Wafti ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya.

Idilnews