Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay geerida Wasiir Asad Xuseen

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland AUN Marxuum Asad Xuseen Xaashi, oo ku geeryooday magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.

“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.”

“Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.”

Idilnews