Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta hoygiisa ku qaabilay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa ahaa mid is xogwareysi ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka oo uu Ra’iisul Wasaaruhu si kala gaar gaar ah ula yeelanayay Musharaxiinta.

Dhinaca kale, Madaxweynayaashii hore ayaa is garab taag u muujiyay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadanaa mas’uuliyaddiisa dhanka hagida maamulka dowladnimo ee marxalada kala guurka ah.