Kulan ku saabsan habka iibsashada iyo lacag bixinta oo ka furmay magaaladda Garoowe (VIDEO)

Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray tababar ku saabsan habka iibsashada iyo lacag bixinta, oo muddo laba cisho ah ka socon doona Garoowe.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Xiriiyaha Mashruuca PFM, Agaasimaha waxaada Tababarada iyo Masuuliyiin kale.

Mudane Cumar Saalax, oo ugu horrayn ka hadlay furitaanka tababarka ayaa u mahadceliyey mashruuca PFM oo soo agaasimey tababarkaan lagu baranayo hannaanka iibsiga iyo lacag bixinta Puntland.

Xisaabiyaha ayaa sheegay in tababarkaani uu ku aadan yahay sidii loogu guuri lahaa hannaan casri ah isla markaana loo casriyeyn lahaa habsami u socodka shaqada wasaaradda.

“Tababarkaani waa hannaan wax iibsi oo aannu ku soo kordhinay habkii hore, systemku wuxuu lee yahay qaybo badan waana lasii horumariyey, (Purchasing Module & Commitment Control) “, ayuu yiri xisaabiyaha guud Dowladda Puntland.

Ugu dambayntiina xisaabiyaha ayaa sheegay inay wasaaradda ka go’antahay sidii loogu wareegi lahaa shaqo cilmi ku dhisan si kor loogu qaadi lahaa Daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, loona hagaajin lahaa adeega dadweynaha.

Idilnews