Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib booqasho qaadatay 3 maalood oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugnaa magaaladda Qaahira kulamo la qaatay Madaxda Dalka Masar, kuwaas oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha waxbarashada Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa si guul ah ku soo dhamaatay.

Idilnews