Puntland oo uga digtay shacabka Gobalada Bari iyo Gardafuu Roobab xoogleh

Dowladda Puntland ayaa uga digtay shacabka kunool Gobalka Bari roobab xoogleh oo 48 saac ee soo socda di’i doona Gobalkaas, sida ay muujinayso saadaasha cimiladu.

Qoraal uu baahiyay uu baahiyay Maamulka Gobalka Bari, ayaa loogu baaqay Shacabka inay isaga baxaan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta, si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Sidoo kale, Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka Gobalkaas ayaa la faray in 48 saac ee soo socda ay wax gaadiid ah u bixi karin Badda.
Ugu dambeyn, Qoraalka Maamulka Gobalka Bari ayaa lagu sheegay in roobabkan xooggan ay sidoo kale ka di’i karaan deegaanada Gobalka Gardafuu.

Idilnews