Mareykanka oo xanibaad kusoo rogaya Bangiga Itoobiya iyo Ethiopian Airlines

Mareykanka,ayaa hakinaya hantida Ethiopian Airlines & Bangiyada Ethiopia ee Maraykanka taala sida jaraa’idka qaar qorayaan, hantidaas,ayaa magdhaw loo siin doonaa Dadkii Tigreega ahaa ee Dowlada Abiy xasuuqday.

Commercial bank of Ethiopia ayaa dhawr akoon ku leh Bangiyada Mareykanka ee muhiimka u ah Ganacsiga caalamiga sida Federal Reserve Bank of New York.

Sidoo kale Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines,ayaa xiriir weyn la leh shirkada Mareykanka ah ee Boeing oo ay badanka diyaaradahooda ay kasoo iibsadeen,isla markaana dayactirt ugu samaysa.

Dhanka kale warar laga helayo ilo muhiim ah,ayaa sheegaya in Ciidamada Tigreegu jareen Wadada muhiimka ah ee isku xirta Jabuti iyo Itoobiya.

Hadii ay dhab noqoto Warka sheegaya in Wadadaas ay xirantay,waxay soo dadajinaysaa cimriga Dowlada Abiy ee hadaba aan ku taagnayn Lugaha adag.

Idilnews