Puntland iyo Galmudug oo heshiis cusub ku gaaray Gaalkacyo (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare (Sanyare), oo ay wehlinayaan Taliye kuxigeenka Ciidammada Daraawiishta Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug, iyo Duqa degmadda Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay Wafti ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Labada dhinac ayaa yeeshay kulan looga hadlayay la-dagaalanka Argagixisada, iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobalka Mudug, iyagoona is afgarad ku gaaray in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Puntland ayaa ku wareejisay Galmudug gaadiid dagaal oo ka kooban 8 Cabdi-bile, Booyad iyo gaari Ambulance ah.

Kulankaan maanta dhexmaray mas’uuliyiinta ka kala socda Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli saacadihiia soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen in Ciidamada difaaca Puntland ay qeyb ka noqonayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta Gobolka Mudug.

Idilnews