Baarlamaanka Puntland oo 10,000 oo dollar ugu deeqay Wadada Garoowe – Godabjiiraan (VIDEO)

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa maanta lacag dhan $10,000 dollar ku wareejiyey Guddiga qaaraan uruurinta dhammesytirka waddada isku xirta Magaaloyinka Garoowe iyo Godobjiiraan.

Xildhibaannada, Guddiga dhismaha wadada iyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Wadooyinka oo maanta kormeeray jidkaas ayaa uga mahadceliyay Golaha iyo Guddoonka Golaha Wakiillada kaalinta ay ka qaateen hirgalinta wadadaas.

Idilnews