Akhriso: Hanti-dhowrka DFS oo uga digay Wasiir Dubbe iibin dhulka Danta Guud

Hanti Dhowraha Guud Qaranka ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiis ay wasaarada warfaafinta ku kireeysay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka balse lagu joojiyay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka ayaa gebi ahaanba baabi’isay heshiiska maqaayadda laga dhisayo Tiyaatarka, waxaana ay caddeysay in Wasaaradda Warfaafinta ay arrintan u wajahday si aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, shuruucda dalka iyo wareegtooyinka hey’adaha dowladda

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku amaray wasiirka warfaafinta inuu joojiyo kireynta kadib markii ay cabasho ka keeneen Abwaaniin iyo Fanaaniin katirsan Hobalada Qaranka ee Waabari.

Idilnews