Dowlad Africaan ah oo diiday qaabilaada Qaxootiga Afghanistan

Dowladda Koonfur Afrika waxay laashay Codsu ku aadanaa inay si Ku-meel-gaar ah u qaabilaan Qaxooti u dhashay Afganistan, kuwaasi oo Transit ku sii ahaan lahaayeen dalkaasi inta loo sii daad-gureynayo dal kale oo 3-aad.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda dalka Koonfur Afrika ugu qaabilsan Xiriirada Caalamiga iyo Iskaashiga (The Department of International Relations and Cooperation (DIRCO) ayaa lagu sheegay inaysan xamili karin Qaxooti Cusub, maadaama ay horey u qaabileen Qaxooti badan.

Horey, dalalka Uganda iyo Rwanda ayaa qaabilay Qaxooti Reer Afganistan ah, kadib, markii ay dowladda Maraykanka ka codsatay Qaabilaada Qaxootiga ka soo cararay Qalalaasaha ka aloosan dalka Afganistan.

Idilnews