Hirshabelle oo sheegtay inay culeys badan kala kulantay Doorashooyinka DFS (VIDEO)

.Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Maamulka uu madaxds ka yahay uu culeys badan kala kulmay howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in ,iyada oo muddo kooban uu dhisan yahay Maamulka Hir-Shabeelle uu kusoo aaday khilaaf kajira doorashooyinka, taasina ay keentay in Madaxda Hir-Shabeelle ku mashquulaan doorashada heer federaal ee Soomaaliya, isla markaana ay wax badan u qabsoomi lahaayeen.

Sidoo kale, Cali Guudlaawe ayaa intaas ku daray in caqabadihii farabadan laga soo gudbay, haatana dalka uu u jiheystay doorashooyin ka maamul ahaana diyaar u yihiin qabashasa doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen waxaa uu ka sheegay furitaanka kal-fadhiga labaad ee Golaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Idilnews