Afgambi ka dhacay Dalka Guinea, & Madaxweyne Alpha oo galay gacanta Ciidanka

Ciidamo afgambi ka wada dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Guinea ayaa muuqaal ay usoo direen wakaaladda wararka AFP ku sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii.

Sidoo kale ciidamo kale oo ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa sheegay in la baabi’iyey dastuurkii iyo dowladdii dalka.

Askari aan la aqoonsan oo hugan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin sideed askari oo kale, ayaa taleefishinka ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaar ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe.

“Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,” ayuu yiri askariga.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in xuduudaha dhulka iyo cirka ee Guinea la xiray.

Hase yeeshee xaaladda dhabta ah ayaan weli kala caddeyn, ayada oo dowladda Conde ay sii deysay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in “la iska caabiyey,” weerar ay madaxtooyada kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka.

Rasaas culus ayaa subaxnimadii Axadda ka qaraxday meel u dhow madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Conakry, ayada oo il-wareedyo dhowr ah ay sheegeen in cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalkaas, oo uu hoggaaminayo Mamady Doumbouya oo horey uga tirsanaa ciidamada Faransiiska ay ka dambeeyaan xasillooni darrada.

AFP, REUTERS, VOA

Idilnews