Axmed Karaash oo daah-furay qorista Manhajka dugsiyada sare ee Puntland (VIDEO)

Garoowe: 05 September 2021:Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowldda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay qorista Buugaagta Dugsiyada Sare ee dowladda Puntand.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaarada waxbarasha iyo Tacliinta sare shaqada wanaagsan ee ay ka qabatay kor uqaadida tayada waxbarashada iyo diyaarinta qorista buugaagta dugsiyada sare ee Puntland

munaasabadda daahfurka waxaa ka qayblay Wasiirka iyo wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare, maamulayaasha iskuulada, macallimiin, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarshada iyo marti sharaf kale.