Museveni “Waan kala baxaynaa ciidammadeena Muqdisho haddii aan khilaafka la joojinin”

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Warbaahinta France 24, oo uu kaga hadlay Arrimaha Somalia, Qaxootiga Reer Afganistan, Afgembiga dalka Gini iyo Xiriirka Uganda iyo Rwanda, Dagaalka ka socda Waqooyiga Mosombique iyo Xaalladda dalka Kongada Dimuqraadiga ee DRC.

Mar wax laga weydiiyey Qalalaasaha Siyaasadeed ee Somalia waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Is-khilaafsan inay xaliyaan Khilaafkooda, haddii kale ee uu Ciiddankiisa kala bixi doono Gudaha Somalia.

Museveni waxa uu soo hadal qaaday Awoodda Ciiddanka Somalia, Idaho sheegay inaysan lahayn Awood Difaac, sida uu Jirka isaga Difaaca Cuddurka AIDS-ka oo kale.

Waxa uu intaasi ku daray in Siyaasadda Somalia la mid tahay sidii Siyaasadda AIDS-ka oo kale (such as Political Aids).

Wareysiga uu Madaxweynaha Uganda siiyey Warbaahinta France24 oo socotay muddo 16 daqiiqo ah waxa kaloo wax laga weydiiyey Go’aanka uu Ciiddanka kala soo bixi doono Hawlaha AMISOM waxa uu ku jawaabay: “Waxaan Ururka Midowga Africa kala tashan doonaan Qorshaha La-soo-bixida Ciiddanka Uganda ee ku sugan Gudaha Somalia ee Qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Madaxweyne Museveni waxa uu si kulul uga hadlay Saraakiishii Milliteri ee xilka ka tuurtay dhigiisa dalka Gini, Alpha Conde, wuxuuna Saraakiishaasi ugu baaqay inay Iska baxaan, Kagan’s gudbay Waqtigii Afgembiga ee Qaaradda Afrika.

“Go’aanka Saraakiisha afgembiyey Madaxweyne Alpha Conde wax qiimo ah ma laha, waayo dalkaasi xal uma ah dhibaatada ka jirta dalka Gini” ayuu yiri Museveni.

Madaxweynaha la afgembiyey ee dalkaasi, Alpa Conde oo 83 jir ah waxa uu Jaal dhow la yahay Museveni, isagoo ka mid ahaa Madaxdii Afrika ee bishii May 12-dii la qeyb galay Munassabadii Caleema-saarkii Museveni oo markii 4-aad dib loo doortay.

Idilnews