XOG: Farmaajo oo aqbalay in hoggaanka NISA uu qabto S/Guud Bashiir Goobe, dalbadayna

Kulamo xasaasi ah oo xal loogu raadinayo khilaafka iyo loolanka dhanka Awooda ah ee Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka socda magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Loolankan ayaa salka ku haya xil ka qaadistii iyo baaristii Ra’iisul Wasaare Rooble amray in lagu sameeyo Fahad Yaasiin, Agaasimihii Hay’adda NISA, kaas oo loo heysto inuu abaabulay khaarijintii Ikraan Tahliil oo kamid aheyn saraakiisha NISA.

Kulamadan ayaa waxaa hormuud u ah Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaana u sheegay Idilnews in Farmaajo uu aqbalay in S/Guud Bashiir Goobe uu noqdo Agaasimaha KMG ah ee NISA, taas bedelkeedana uu heshiis la gaaro Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kalena la joojiyo baarista Kiiska Ikraan Tahliil, laguna xaliyo si hoose.

Ma jirto weli wax heshiis ah oo kasoo baxay kulamadan, Rooble ayaana ku adkeysanaya in uu fulinayo go’aanadiisa oo ku dhisan Dastuurka iyo xaq u raadinta Ikraan Tahliil.

Idilnews