Farmaajo iyo Rooble oo maanta kulmay

Wararka laga helayo kulamadii xalay iyo waan waantii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa sheegaya in goordhow la isu keenayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si loo xaliyo khilaafka.

Kulamadii xalay labada Madaxweyne Dowlad Goboleed la yeesheen labada dhinac ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay waxoogaa isu soo dhowaansho, gaar ahaan dhanka Madaxweynaha uu dabacsanaan ka jiro, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha mowqifkiisa ku adkeysanayo.

Idilnews