Hoggaanka Ahlu-sunna oo sanad iyo bilooyinkii kaddib ku laabtay deegaanada Galmudug

Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horay u soo noqday madaxa xukumadda Galmudug ayaa maanta oo sabti ah dib ugu laabtay deegaanada maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Macalin Maxamuud kasoo dagay waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Puntland ayaa safar dhulka ah ku tagay deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud, taas oo ka dhigan in uu sanad iyo sideed bilood ka dib uu ku laabtay deegaanadii dagaalka looga sooray Fabaraayo 2020.

Sidoo kale, Sheekh Shaakir oo saldhig ka dhigtay dalka Turkey sanad iyo barkii la soo dhaafay ayaa ka dagay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana loo galbiyay deegaanka Huurshe ee Gobolka ee isla gobolkaasi.

Ujeedka socdaalkooda waxaa la sheegay ka qayb galka siyaarta Sheekh Yuusuf Direed oo sanad walba xigaan oo kale lagu dhigo deegaanka Huurshe waxaana ka qayb gala cumada Suufiyada oo kala yimid deegaano kala duwan.

Idilnews