Booliska Gobalka Bari oo deeq gaarsiiyay xarun lagu xanaaneeyo carruur darbi-jiif ah (VIDEO)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta Deeq kala duwan gaarsiisay Xarun lagu dhaqan-celiyo carruurta darbi-jiifka ah oo ku taalla Magaalada Bosaaso, halkaasoo ay ku jiraan Carruur Tiradoodu tahay 100 ruux oo midkiba ugu yaraan uu 5-jir ilaa 20-jir ay da’doodu u dhexeyso.

Maxamed Jamaca oo ah maamulaha xaruntaas ayaa kusoo dhaweyay Taliyaha Qeybta oo uu wehliyo Taliyaha Jeelka weyn Bosaaso G/L Shire.

Taliye Xuseen ayaa ciyaalka u Qaybiyay deeq ka koobanayd dharka iskoolka si ay dhalinyaradan ula mid noqdaan kuwa kale ee iyagana wax barta oo aada iskoolda ku yaala Bosaaso si ubadkas niyada loogu dhiso.

Sidoo kale, Taliye Xuseen ayaa Sheegay in Jiilka soo Koraya haddii aan la Dhaqan-celin Mustaqbalkooda lumayo; isla markaana ay dhici karto in loo adeegsado inay naftooda haligaan, isagoona xusay in Tallaabadaan aysan noqon doonin midki ugu danbeysay isagoona balan qaaday in uu garab taagan yahay dhalinyaradan marwalba.

Idilnews