Gaajo & macluul soo wajahday dadka kunool gobollada Soomalida Kenya

In ka badan laba milyan oo Kenyan ah oo ku nool gobalada Waqooyiga Kenya ayaa waxaa soo food saartay gaajo iyo macaluul baahsan, kaddib markii abaaro aad u daran ay ku dhaceen gobolladaas.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in haddii aysan soo bilaaban roobabkii bisha October ay dhici karto in dad badan ay gaajo u dhintaan.

Abaaraha ayaa waxaa sy sigaar ah saameyn weyn ugu yeesheen dadka Reer Miyigabah, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay in Xoolo farabadan ay sii dhamaanayaan, taas oo sababi karta in dad badan ay gaajo iyo haraadbu geeriyoodaan.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in abaarahanbay uga jawaabayaan heer Qaran, waxaana uu sheegay in dowladdu ugu talo gashay lacag hal Bilyan ah oo la gaarsiin doono degaannada ay abaarta ku dhufatay.

Idilnews