Israel oo duqeymo ka geysatay GAZA

Diyaaradaha dagaalka Israa’il ayaa duqeyn xagga cirka ah ku qaaday saddex goobood oo kala duwan oo ku yaalla marinka Qaza, sida laga soo xigtay ilo wareedyo maxalli ah horaantii saaka oo Isniin ah.

Weeraradaasi ayaa lala beegsaday deegaanada Rafah, Khan Yunis iyo Beit Lahia oo ku yaal koonfurta Gaza,mana jiraan wax khasaare ah oo weli la soo sheegay.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa goor dambe sheegay in ay duqeeyeen 4 xarumood oo Xamaas u adeegsan jirtay tababarka ciidanka iyo barashada hubka.

Idilnews