Muuse Suudi Yalaxow oo mar kale loo doortay Senator

Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa noqday Senatorkii ugu horreeyay ee ka soo baxa HirShabeelle, kadib tartan adag oo caawa ka dhacay Jowhar.

Senator Muuse Suudi oo mar kale dib loo doortay ayaa wareegga 3-aad kaga guuleestay Axmed Daaci, waxaana magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ka socda dabaaldagyo u badan rasaas kor loo ridayo, kuwaas oo lagu soo dhaweynayo Senator Muuse Suudi oo kamid ahaa Aqalka Sare ee waqtigiisu dhamaaday.

Idilnews