Puntland “Shirka loo balamay Garoowe wuxuu hordhac u yahay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran”

Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in shirka ay Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland 21 ilaa 23-Sep uu gogal xaar u yahay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jaamac Deperani oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in hoggaaminta Doorashooyinka dalka uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble, sida ay qabaan Dastuurka Dalka iyo heshiisyadii Doorashooyinka.

“War-murtiyeedka Dowladda Puntland ay wax kasoo saartay caawa, kama turjumayo sida dad badan oo adeegsanaya baraha Bulshada ay u marin habaabinayaan. Hoggaaminta Doorashada iyo amniga dalka waxaa leh Ra’iisal Wasaaraha XFS, sida ku cad Dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray.”

“Shirka 21-23 September 2021, loogu ballansanyahay Garoowe wuxuu gogol xaar u yahay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu dardargelinayo dhameystirka Doorashada.”

Idilnews