Midowga Musharixiinta oo ku baaqay in Farmaajo iyo kooxdiisa loo aqoonsado qaswadayaal

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay qoraalkii kasoo baxay Farmaajo ee lagu sheegay in la hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo sheegay in falkaas uu yahay mid dalka u horseedaya xasarad siyaasadeed iyo qalaalase amni, islamarkaana halis gelinaya qarannimada Soomaaliya, sidoo kalena uu caddayn u yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisa idlaaday uusan weli ka quusan damiciisii ahaa in uu helo muddo-kororsi sharci-darro ah.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu jebiyay Dastuurka dalka, waxaana ay soo bandhigeen Saddex qodob oo ay ku cadeeynayaan mowqifkooda qoraalkii kasoo baxay Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil, kuwaas oo kala ah.

1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee
dalka.

2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Idilnews