Golaha Ammaanka QM oo maanta ka shiraya khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya khilaafka awoodeed ee u dhexeeya madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Soomaaliya ee NISA.

Shirkan oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa waxaa xubnaha Golaha Ammaanku warbixinta xaaladda loolanka siyaaseed ee madaxda dowladda ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan sida uu xaqiijiyay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Afhayeenka ayaa sheegay in James Swan uu ku boogaadiyay madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdicaziiz Laftagaren dadaalka isaga iyo madaxda kale ee mamul goboleedyadu ay ugu jiraan xallinta khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysay siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Waxaa la filayaa in Golaha Ammaanku uu soo saaro war-murtiyeed marka la soo gabagabeeyo shirkan Maanta u qabsoomaya.

Idilnews