Turkish Airlines oo siday Fahad Yaasiin oo ku xayiran Jabuuti

Warar soo baxaya oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in diyaaradda Turkish Airlines duulimaadkeeda saaka oo jimco ah imaan lahaa magaalada Muqdisho ay ku hakatay garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu saaran yahay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo saaka ku soo wajahnaa Muqdisho.

Dad kala duwan oo ku sugan Garoonka ayaa ii sheegay in Ilaalo xooggan oo ka tirsan Nabadsugida ay saaka soo gaareen garoonka diyaaradaha, iyagoo sugayay Diyaaradda Turkish Airlines, taasoo dhalisay tuhunka ah in diyaaradda uu saaran yahay Fahad Yaasiin. Sidoo kale waxaa iyana soo baxaya warar sheegaya sababta diyaaradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ay tahay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, markii Maamulka Shirkadda Turkish iyagana ogaadeen ciidanka soo galay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Idilnews