Afghanistan: Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Jalalabad

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo kala duwan oo Maanta ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga Afghanistan, sida ay sheegeen sarkaal caafimaad iyo warbaahinta maxalliga ah.

Weeraradan oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin Taalibaan ayaa ah qaraxyadii ugu horeeyey ee dad ku dhintaan tan iyo markii Maraykanku ka baxay Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Gobolka Nangarhar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddex qof la dilay 18 kalena la dhaawacay, halka dhowr warbaahin oo maxalli ah ay weriyeen in weeraradaasi ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen.

Jalalabad waa caasimadda Nangarhar, oo ah xudunta kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Afghanistan, oo sheegatay mas’uuliyadda weerar dhiig badan ku daatay oo lagu dilay in ka badan 100 qof garoonka diyaaradaha Kabul dhammaadkii bishii Ogosto ka dhacay.

Kooxda Talibanka ayaa awoodda dib ugu soo laabatay bartamihii bishii Ogosto, kadib markii ay meesha ka saareen dowladdii hore, waxayna ballan qaadeen inay soo celin doonaan nabadda iyo amniga dalka.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay gaari cagaar ah oo wata calanka Taalibaan oo cadcad oo hareerahiisa ay ku hareereysan yihiin dagaalyahanno hubaysan.

Idilnews