Maamulka cusub ee Qardho iyo Karkaar oo xilka la wareegay (VIDEO)

Munaasabada ayaa aheed mid ay xilalka kula kala waregayen maamuulka cusub ee degmada Qardho iyo kan gobolka Karkaar waxeyna ka dhacday hoolka dawlada hoose ee degmada Qardho munasibadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dawlada Puntland iyo Nabadono ururada Bulshada qaybeheda kale duwan. Ee magalada qardho.

Waxaana xilalka lo kala warejiyay gudoomiyaashi hore iyo kuwa cusub ee Dagmada qardho iyo gobolka karkaar oo uu dhowaan waregto ku soo magacabay madaxweynaha Dowladda Puntland siciid cabdulahi deni

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay waxii u qabsomay intii uu xilka hayey gudoomiyihi hore ee degmada Qardho cabdi siciid cismaan dheere iyo gelihiisa deganka ee degmada Qardho oo uu maantay xilkeda warejiyey

Dhanka kale waxaa is nah xilka warejiyey gudoomiyihii hore ee gobolka karkaar saciid maxamed faahiye oo ku warejiyey cabdi siciid cismaan dheere oo madaxweynaha Dowladda Puntland sicid cabdulahi deni u magacabay gudomiyaha Gobolka Karkaar.

Waxaana ugu Horenti Halka ka
Hadlay dhamaan masuliyiintii
Maantay xilalka Lo kala warejiyay iyo Qaar ka mida cuqasha ururada Bulshada qaybaheda kale duwan iyo waxgarad kale Waxaan munasibada soo xiray Oo la dardarmay maamulka cusub ee manta xilka La waregay wasiirka wasarada Arimaha gudaha ee dawlada Puntland maxamed dhabana cad.

Idilnews