Puntland iyo UNSOM oo ka wada-hadlay Doorashooyinka 3 degmo

Wasiir Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay xafiiskiisa kula kulmay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) u fadhiya Puntland Mr Guy iyo Madaxa Sarkaal arrimaha Siyaasadda ee Xafiiska UNSOM Puntland Mr Abdicasiis.

Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha doorashada Degmooyinka Puntland iyo arrimaha Qaxootiga Dalka Yemen ka yimaada iyo Muhaajiriinta Ethiopian ka ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa wadda qorshe lagu xakameynayo Qaxootiga Yemen ka yimaada iyo sidii loo xakameyn lahaa Muhaajiriinta ka yimaada Dalka Ethiopia.

Idilnews