Booliska Garoowe oo kala eryay dad uu lacag siiyay Wasiirka Qorsheynta DFS

Booliska caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa kala eryay dad buuq ka abuuray afaafka hore ee laga galo garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe, kuwaas oo la sheegay inay soo dhaweyn lahaayeen Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan.

Dadkan oo u badnaa Dhalinyaro iyo Haween la siiyay lacag ayaa la sheegay in jahawareer ka abuureen kantaroolka kowaad ee laga galo garoonka caasimadda Puntland, iyadoo qaarkood la dagaalameen Booliska.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo bixiyay dhaqaalaha lagu soo kireeyay dadkan, si ay u soo dhaweeyaan ayaa si buuq la,aan ah uga soo degay garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana la sheegay inuu u sii gudbay magaalada Dhahar ee xarunta Gobalka Haylaan oo ah deegaanka uu kasoo jeeda.

Jamaal Maxamed Xasan, oo kamid ah saaxiibada Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey loogu eedeeyay inuu dhaqaale soo galiyay deegaanada Puntland, kaas oo lagu khalkhal galinayay Amniga iyo midnimada Bulshada Puntland, balse ay fashiliyeen sirdoonka iyo Booliska Puntland.

Idilnews