Puntland oo ceel-biyood ka hirgeliysa deegaanka Yaka-Yaka (VIDEO)

Dawlada Puntland oo ku guulaysatay in markii ugu horaysay ceel biyood laga hirgeliyo deegaanka Yaka-Yaka.

Deegaanka Yaka-yaka ee degmada Qardho oo jiray in ka badan 50-sano, dhibaatada bulshadaasi ka cabanaysay waxaa ugu cuslayd biyo la’aan ayba ugu darnayd xiliga abaarta ah, taasina waxay horseeday in qoysas badan ay u guuraan magaalada Qardho iyo deegaanada kale ee ku hareeraysan.

Deegaanka oo ah xoolo daaqeen waxaa si wayn ugu xiran dadka reer guuraaga ah oo biyo u soo doonta, bulshada deegaankuna waxay xiriiro kala duwan la sameeyeen dawladihii Puntland soo maray, balse ma aysan suurta gelin in loo hirgeliyo ceel biyood.

Dadka deegaanka aoo la kulmay Madaxweyne Deni ayaa codsi la xiriira in ceelbiyood loo qodo waxy u gudbiyeen Madaxweynaha dawlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni 3 bilood ka hor, maanta ayaana loo dhagax-dhigay.

Ceel-biyoodkaan ayaa ah mid balaaran, waxaana daahfurkiisa ka qayb-gallay masuuliyiin dawladeed, musharax xildhibaan, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Yaka-Yaka.

Odayaasha deegaanka ayaa hadlay, waxay mahadcelin u jeediyeen madaxweynaha dawlada Puntland, kaas oo noqday shakhsigii ugu horeeyay ee ka jawaaba baahidda deegaankooda iyo dadka ay matalaaan.

Gudoomiyaha degmada Qardho Maxamed Buraale Cabdi, Gudoomiyaha Gobolka Krakaar Cabdi saciid cismaan, Maareeyaha wakaalada biyaha Puntland Maxamed Cabdiqaadir ayaa dhankooda hadlay, waxay si wada-jir ah uga warameen ceelkaan iyo ahmiyadiisa, waxyaabaha looga baahan-yahay bulshada iyo qaybabaha uu ka kooban-yahay.

Ugu danbayn xildhibaan Axmed daad Jaamac diiriye, Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka dawlada Puntland Faaiso cali ismaaciil, iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo tamarta Puntland ayaa hadlay waxayna dadka deegaanka ugu baaqeen in ay ceelkaan ilaashadaan.

Idilnews