Sweden: Qarax sababay khasaare oo ka dhacay magaalada Gothenburg

Qaraxa oo geystay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay Dhismo Dabaq la deggan yahay oo ku yaalla magaalladda Goteborg (Gothenburg) oo ah magaalladda ugu weyn dalka Sweden.

Warbaahinta Sweden ayaa war hordhac ah ku sheegay in 20 illaa 25 qof ku dhaawacmeen Qaraxaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn waxa uu ahaa Qaraxa ka dhacay Degmadda Annedal ee magaalladda Goteborg oo ku taalla K/Galbeed ee dalkaasi.

Warbaahinta Swedish, gaar ahaan Wargeyska Maalinlaha ee Aftonbladet waxa uu tirada dhaawaca ku sheegay 23 qof oo ugu yaraan 3 ka mid ah ay xaalladooda aad u liidato.

Dhinaca kale, Kooxaha Gurmadka ayaa gacan ka geystay sidii loo damon lahaa dabka ka dhashay Qaraxaaasi oo saameeyey Dhismooyin kale.

Qoysaskii deganaa Dhismaha uu Qaraxa ka dhacay ayaa laga daadgureeyey Dhismahaasi, kuwaasi oo ay tiradooda u dhexeysay 100 ilaa 200 oo qof.

Wakaalladda Wararka Sweden (The Swedish News Agency) ee loo soo gaabiyey TT waxay sheegtay in 20 qof oo dhaawacan la dhigay Isbitaalka, isla markaana ay Hay’addaha ku hawlan yihiin Baaritaanka waxa sababay Qaraxaasi ka dhacay Bartamaha magaalladda Goteborg

Idilnews