Doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi oo maalintii labaad ka dhacaysa Afisyooni

Waxaa maalintii labaad ka dhacaysa teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee matalaya goballada waqooyi, iyadoo maanta la qabanayo doorashada 5 kursi ee ka harsan 11 kursi ee Somaliland.

Kuraasta maanta doorashadoodu dhacayso, ayaa waxaa ku loolamay 12 musharax, kuwaas oo kala ah;

1: Siciid Cabdi Xasan
Jaamac Cabdullaahi Maxamed

2: Muno Cumar Xasan
Naciimo Xasan Xaaji Maxamuud
Sucaad Xasan Maxamed

3: Cabdirisaaq Axmed Cali
Xasan Cabdi Gaas
Axmed Maxamed Siciid

4: Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane)
Baashe Maxamed Ismaaciil

5: Deeqa Xasan Xuseen
Hodan Abokor Xasan.

Doorashada 6 kursi oo kamid ah Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ayaa shalay dhacday, waxaana kusoo baxay xubno ay kamid yihiin Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Dastuurka XFS Saalax Axmed, Wasiirka Warfaafinta XFS Cusmaan Dubbe iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Idilnews