Dadkii laga soo saaray Laascaanood oo lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo

Boqolaal shacab ah oo maamulka Somaliland uu kasoo saaray magaaladda Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa saaka gaaray magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Dadkan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa Somaliland ku eedeysay inay qeyb ka ahaayeen falalka ammaan-darro ee ka dhacayay sanadihii ugu dambeeyay magaaladda Laascaanood, laguna dilay masuuliyiin kamid ah Somaliland iyo haldoorkii gobalka Sool.

Maamulka gobalka Mudug iyo kan degmadda Gaalkacyo ayaa wada olale balaaran oo dadkan loogu sameynayo dib u dajin, iyagoona loo sameeyay soo dhaweyn.

Dadkan ayaa xalay ku hakaday magaaladda Burtinle ee gobalka Nugaal, iyadoona loogu sameeyay soo dhaweyn intii ay ku sugnaayeen.

Idilnews