Muxuu yahay ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Dalka Qatar ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta ku wajahan magaalada Doxa we Dalka Qatar, kaddib markii uu casuumaad ka helay Amiirka dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Qatar, sida Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani. Lama oga waxay ay kala hadlayso Ra’iisul Wasaaraha dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku tago Dalka Qatar, kaddib magacaabistiisii 27-Sep-2020.

Idilnews