Shir muhiim ah oo maanta ka dhacay Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe

Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, waxaa maanta ku qabsoomay Shirweynaha Guud ee Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland, Kaasi oo looga hadlay dardargelinta shaqada iyo qorsheyaasha cusub horumarinta shaqo.

Shirka waxaa guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, waxaana ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Waxaayaha Madaxtooyada, Madax-qeybeedyada Xafiisyada iyo dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada ee Garoowe.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta shaqada, warbixinta shaqo ee xafiisyada, horumarinta wadasheynta, tababarada iyo fursadaha lagu horumarinayo aqoonta shaqaalaha iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarin ee Shaqada Madaxtooyada.

Idilnews