Wasiir Jaamac “Saddexda qof Soomaali ah mid kamid ah baa qaba xanuunada maskaxda” (VIDEO)

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xassan ayaa sheegay in 3 qof ee Soomaali ah uu mid kamid ah qabo xanuunada maskaxda, oo ay sababeen dagaalada sokeeye, shaqo la,aan, dhaqaalo yarida, balwadaha iyo dowlad la,aanta.

Dr. Jaamac Faarax oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta dhimirka Adduunka ayaa xusay in Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay qorsheynayso in adeegyada caafimaadka isbitaalada Puntland lagu soo kordhiyo daaweynta dhimirka, sidoo kalena lagu tababarayo shaqaalaha isbitaalada la macaamilka bokaanada xanuunkan qaba.

Idilnews