Sirdoonka Jubbaland oo gacanta ku dhigay xubno Al-Shabaab ah

Ciidanka Hay’adda sirdoonka & nabadsugida Dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo lagu baadigoobayo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Ciidanka NISA Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgallada laga sameeyay dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo, kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah Al-Shabaab halka kuwa kale lagu raadjoogo.

Sidoo kale, Sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay inay bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen.

”Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay NISA Jubbaland.

Idilnews