Axmed Madoobe oo ka hadlay doorashada Senatorada cusub

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo u diray 4 Senator ee cusub ee maanta lagu doortay magaaladda Kismaayo, kuwaas oo dhameystir u noqonaya 8 kursi ee Jubbaland ku matala Aqalka Sare ee BJFS.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnaha Cusub ee ah Kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS”.

“Waa talaabo kale oo inagu dhiiri galinaysa inaan sii wadno shaqooyinka kale ee ina horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah.”

“Waxaan u mahad celinayaa gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee hirgaliyay doorashadan muhiimka ah.”

Idilnews