Galmudug oo sheegtay in ay Kaabiga usaaran tahay Guriceel

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in maamulkiisu si farsameyn oo aan dadka rayidka ah wax ku gaarin kula wareegi doonaan Guriceel.

“Ciidamada Dowladda kaabiga ayey ku hayaan, waxay dowladda ku howlan tahay in si farsameyn oo dadka rayidka ah waxba u gaarin markaa in dhawaan guul laga gaaro ayaa la rajeynaya,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Falagle oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri“Dowladda waxay ku howlan tahay dhan walba oo lagu yareyn karo in shacbiga wax gaaran haddey noqon laheyd hab beeleedka, aqoonta iyo hadday noqon laheyd dhan walba oo arrimahaas lagu fududeyn karo wey ku howlan tahay, marna dowladda nabad ma diidin waxay ka hortageysay xad-gudubyada iyo in amniga wax loo dhimo.”