Muxuu RW Rooble ka yiri doorashada 4 Senator ee maanta ka dhacday Kismaayo ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo u diray afarta senator ee cusub ee maanta lagu doortay magaaladda Kismaayo, kuwaas oo dhameystir u noqonaya doorashada Aqalka Sare ee deegaanada Jubbaland.

“Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada maanta la doortay ee Jubaland ku matalaya
Golaha Aqalka Sare ee kala ah;
1. Xasan Daahir Yarow
2. Ibraahim Aw-gaab
3. Laylo Nuur Maax
4. Maryan Faarax Kaahiye

“Waxaan sidoo kale ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha, Baarlamaanka Jubaland iyo guddiyada doorashooyinka in ay soo dhammeystireen doorashadii Aqalka Sare.”

Idilnews