Madaxweyne Karaash oo lagu soo dhaweeyay deegaano hoos-taga Ufeyn

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay deegaannada Geeso-qabad iyo Xabley oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee safarka u wehliya ayaa dadka deegaannada kulan is xogwaraysi iyo u kuur-galid ah la qaatay bulshada, isla markaana ka dhagaystay baahiyaha deegaanka.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa dadweynaha ku booriyay inay kaalintooda ka qaataan hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, isla markaana ilaaliyaan wadajirka iyo xasilloonida deegaanka.
Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan qaaday in dowladdu wax ka qabanayso baahiyaha ay soo gudbiyeen, waxaana uu faray hay’adaha ay qusayso inay si deg deg uga howl galaan.

Idilnews