QM oo soo dhaweysay doorashooyinka ka socda Puntland (Akhriso)

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeysay Doorashada qof iyo codka ah ee ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo ka tirsan Puntland.

Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay rumeysan tahay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud ee codbixinta heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran ee guud ahaan dalka.”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Guddiga Ku -meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), dowladda iyo shacabka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah, sida ku cad Dastuurka Puntland.

Idilnews