Maxaa kasoo kordhay tirinta codadka doorashooyinka 3 degmo ?

Tirinta cododka doorashada Golaha deegaanka degmadooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa maraysa meel gaba-gabo ah, waxaana la filayaa in goor-dhow Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland uu ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Warar hordhac ah ayaa sheegay in tirinta cododku ay ku hartay kaliya goob kamid ah magaalada Qardho, waxaana ay intaas ku darayaan in degmadda Qardho uu ilaa hada codadka la tiriyay hoggaaminayo Urur siyaasadeedka Xukuumadda ee KAAH.

Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews

Idilnews